R/W Xamza oo u baxay degmo ka tirsan Shabeelaha Dhexe + Ujeedka

by admin | Wednesday, Aug 30, 2023 | 132 views

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu tegayo markiisii labaad.

Ra’iisul wasaaraha iyo waxaa safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano kamid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

Ammaanka degmada Aadan Yabaal oo horay looga xoreeyay kooxda As ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo aad loo sugayo amniga wafdiga ra’iisul wasaaraha.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira howlagllada ka dhanka ah As ee ka socda halkaasi, isaga oo u tegayo in la xoojiyo abaabulka ka socda HirShabelle.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa booqan doono saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, isaga oo ku dhiiragelin doono halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka.

Wuxuu sidoo kale ra’iisul wasaaraha kormeeri doono guud ahaan degmada oo ay ka jiraan xaalado nololeed, maadaama ay kasoo kabaneyso dhibaatadii ay ku hayeen As

Xamza ayaa maalmo ka hor kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu uga soo qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Si kastaba, booqashada ra’iisul wasaaraha ee Shabeelaha Dhexe ayaa kusoo aadeyso, xilli muddo ku dhow bil madaxweynaha uu joogo caasimada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu u tegay dhaqaajinta dagaalka ka dhanka ah As

Like it? Share it!

Leave A Response