Dowladda Puntland oo sheegtay magacyada dadkii uu dilay Nuur Deeq

by admin | Wednesday, Aug 30, 2023 | 108 views

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug uu isku soo dhiibay Nuurdeeq Cabdullaahi Maalinguur oo kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta gobolka Mudug.

Sidoo kale, qoraal kasoo baxay ciidanka PSF ee maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in sargaalkan kasoo goostay Al-Shabaab ee Nuurdeeq uu dambiyo waa weyn ka geestay gobolka Mudug, waxa ayna ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilal loo geestay masuuliyiin iyo saraakiil.

Dhanka kale, Ciidamada PSF ee Puntland ayaana sheegay in Nuurdeeq ku lug lahaa dilal loo geestay taliyihii hore ciidamada milatariga qeybta 21-aad, guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Puntland, duqii hore ee Gaalkacyo Puntland iyo taliyihii Danab ee gobolka Mudug.

Qoraalka kasoo baxay ciidamada gaarka ee Puntland ayaa lagu sheegay in sargaalkan uu isa soo dhiibay markii uu waayay gabbaad, waxa ayna dalbadeen in ninkan la horgeeyo caddaalladda oo lagu qaado dambiyadii uu galay.

Like it? Share it!

Leave A Response