Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay iyo kii TV-ga qaranka oo dhaawac ah

by admin | Saturday, Nov 20, 2021 | 424 views

Agaasimihii Radio Muqdisho weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa ku dhintay qarax caawa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen agaasimayaasha taleefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho Sharma’arke Maxamed Warsame iyo Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, oo uu wehliyo darawlka gaariga.
Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey, sida ay xaqiijiyeen booliska Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay booliska, gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondhere, wadada Busley ayaa waxaa halmar daaqadda gaariga ku booday oo qabsadey qofka is-qarxiyey.

Allah ha u naxariistee, waxaa isla goobta ku dhintay ku dhintay Cabdicasiis Afrika, halkan Sharmaarke iyo darawalkii gaariga uu garaay dhaawac, waxaana loo qaaday isbital, sida aan xogta ku helnay.
Wasiirk ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Ilaaheey ha unaxariisto walaalkeey Cabdi Casiis Maxud Guuleed Afrika, wuxuu ahaa halyay Qaranka ka baxay . Walaal iyo saaxiib igu wayn ayuu ahaa” ayuu Alcadaala ku yiri qoraalkiisa.”

Cabdicasiis Afrika ayaa hadda kahor dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka dowladda, wuxuuna caafimaad u aaday dalka Belgium oo uu muddo ku noolaa, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay dhowr sano kahor.
Afrika ayaa qaban jiray barnaamij lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.

Like it? Share it!

Leave A Response