Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku tilmaamey xilka qaadistiisa wax la yaab leh

by admin | Saturday, Nov 20, 2021 | 525 views

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ka fal celiyey xil ka qaadistii lagu sameeyey maanta, isagoo ku tilmaamey talaabadaasi wax aan wanaag saneyn.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdulrasaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa wax layaab leh ku tilmaamey hannaankii iyo war gelin la’aantii lagu sameeyey xil ka qaadistiisa, inkastoo uu qirey iney jirtey toddobaad kahor inuu gudbiyey istiqaalad.

Marar badan ayay dhacdaa in wasiiradda xukuumadda federaalka ee dowladda Soomaaliya laga qaado jagooyinka ay hayaan, iyaga oo aan lagu wargelin.

Wasiirkani ayaa hayey xilkani muddo sanad ah, iyadoo uu yahay mas’uulkii saddexaad ee qabta jagadaasi ee wasaaradda arrimaha dibadda, tan iyo markii la doortey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sanadkii 2017-kii.

Like it? Share it!

Leave A Response