Al-Shabaab oo fagaaro ku toogtay Nin ay ku eedeeyeen in uu sixiroole ahaa

by admin | Friday, Dec 11, 2020 | 359 views

Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Tiyeegloow oo ka tirsan Gobolka Bakool waxaa ay shalay gelinkii dambe ku toogteen Nin ay sheegeen in uu ku Shaqeysan jiray sixirka.

Ninkaan oo Magaciisa Lagu sheegay Isxaaq Xasan Daa’uud oo 70 sana jir ahaa ayaa Al-Shabaab sheegeen in uu dadka kala geyn jiray qaarkoodna uu isku keeni jiray, isaga oo adeegsanaya sixir.

Garsoore u hadlay Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in Ninkaasi uu qirtay dambiga loo heystay, isla markaana muddo 20 sano ah uu ku Shaqeysan jiray sixirka.

Goobta toogashada ay ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah dadka ku nool degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool oo ay Al-Shabaab ku amreen inay u soo daawasho tagaan.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay fagaarayaal ku yaalla degaannada ay maamulaan ku toogteen dad isugu jira dhalinyaro iyo dad da’ah oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageerada Ciidan siiya.

Like it? Share it!

Leave A Response