Australia oo dad ay ka tallaashay Covid-19 oo la helay Calaamadaha HIV!

by admin | Friday, Dec 11, 2020 | 361 views

Shaki ayaa hareeyay ku kalsoonaanta Tallaalka Dowladda Australia ay ku sheegtay in uu kahortag iyo dawo u yahay Xannuunka Covid-19, kadib markii dad qaatay jirkooda laga helay Astaamaha HIV.

Australia ayaa xaalad aan wanaagsan wajaheysa, maadaama kahortagga xannuunka uu sababay shaki cusub oo saameeyay niyad wanaagga rabitaanka loo qabay in qof waliba uu iska tallaabo cudurka cabsida ku beeray.

Saraakiil katirsan Dowladda ayaa warkaas beeniyay, waxaana ay ku sifeeyeen in tijaabo qaldan la adeegsaday, arrintaas ayaa welwel horleh ku biirtay qoysaska damacsanaa in ay safaf dhaadheer u galaan qaadashada Tallaalka.

Dowladda Australia ayaa u xusul-duubeysa sidii ay dadka uga dhaadhicin lahayd in hadallada laga faafiyay tallaalka ay yihiin kuwo lagu tayo dilayo si ay ugu baaqdaan in ay qaataan daawada la durayo si jirkooda uu u helo difaac ku filan.

Jaamacadda Queensland (UQ) & Shirkadda CSL ayaa qaatay mashruuca tallaalka tayadiisa la hubiyay waxa ay dowladdu ku bixisay dhaqaale xooggan si dalkaas uu ugu soo kabto xaaladda dhanka Caafimaadka.

Shirkadda CSL iyo jaamacadda Queensland ayaa wadajir u sheegay in laga been abuuray tallaalooda, waxaana ays heegeen in micnaha natiijada soo baxday aysan ka dhigneen in tayadoodu aan wanaagsaneen.

Australia ayaa ku dhawaaqday in heshiis kale ay la gashay Shirkadda lagu magacaabo Novavax ee Mareykanka laga leeyahay taas oo heysata waaya-aragnimo ku filan 1987-dii, waxa ay xiriir iyo aqoon kororsi la leedahay Shirkado waaweyn oo dhanka Dawada ah.

Like it? Share it!

Leave A Response