Al-Shabaab oo toogatay nin ‘ku kacay fal naxdin leh’ gobolka hiiraan

by admin | Wednesday, Jul 31, 2019 | 611 views

Xooggaga Al-Shabaab ayaa shalay Galab gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ku dilay nin ay sheegeen inuu sameeyey falkii Qowmu Luud oo kale.Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Buq Goosaar oo qiyaastii 50 KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa goobta ka akhriyay xukunka uu muteystay ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Nuurow, wuxuuna sheegay inuu fara xumeeyey illaa seddex carruur ah.

Sidoo kale Qaadiga ayaa intaasi ku daray in Nuurow uu maxkamadda ka hor qirtay in isaga oo caafimaad qaba uu sameeyey falkaasi.

Fagaaraha lagu toogtay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah iyo mas’uuliyiyiin ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay falalka toogashada ah, waxaana 26-kii bishan degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay nin Sixiroole ahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response