Banaanbax ka dhan ahaa Dowladda Federaalka oo ka dhacay Kismaayo

by admin | Wednesday, Jul 31, 2019 | 583 views

Magalaada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa Duhurnimadii Maanta oo Arbaco ah ka dhacay banaanbax ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo abaabulay Madaxtooyada Jubbaland,waxana ka qeyb galay qaar ka mid ah ururada Bulshada rayidka ee Magalada kismaayo,kuwaas oo ku baaqayay inay dowladda Federaalka faragelinta ka joojiso doorashada Jubbaland.

Dadka bananaanbaxa dhigayay oo u badnaa Haween ayaa waxaa ay wateen boorarka Ururka (DANEEYAASHA AAN DOWLIGA AHEYN EE JUBALAND) ,kuwaas oo lagu qoray erayo ay ka mid ahaayeen ‘Waxaan diidnay in la farageliyo doorashada Jubbaland dal iyo dibadba.

Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay baaq u direen Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiinta iyo Shacabka Jubbaland sidii ay uga wada qayb qaadan lahaayeen ilaalinta nabad galyada iyo xasiloonida deegaannada Jubbaland.

Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa  ayaa waxaa dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland,waxaana Axmed Madoobe oo markii saddexaad xilkaasi u taratamaya uu wadaa qorsho uu markale ku guuleysan karo,isaga oo iska difaacaya culeys siyaasadeed oo uga imaanaya Dowladda Federaalka iyo musharixiinta kale.

Like it? Share it!

Leave A Response