AL-Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku billawday ku qaaday degaan Hoostaga Ruunirgood

by admin | Tuesday, Mar 21, 2023 | 152 views

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal culus oo ka socda Deegaanka Daaru-nicma ee Hoostaga Degmada Ruunirgood ee Gobalka Sh/dhaxe, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayan in degaankaas ay weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan AL-Shabaab.

Sida wararku inagu soo gaarayaan Al Shabaab ayaa weerar Qaraxya ku bilaawday ku soo qaaday degaanka, waxaana socda dagaal culus Oo u dhaxeeya macaawisley iyo shabaab.

Dad Goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya inay maqlayaan dhawaqa Rasaasta ay laabda dhinac isku adeegsanayaan, dagaalka ayaana ah mid xooggan.

Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha Rasmiga ah eek a dhashay dagaalkaasi, waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, maaddaama wali uu socdo dagaalku, sida wararka aynu helayno ay sheegayaan.

Weerarkaan ayaa ku soo aaday xilli Taliska XDS uu ciidamadii milateriga ahaa uu ka saaray dhamaantood deegaankaan saaka weerarka lagu qaaday, waxaana halkaan deganaa ciidamada tababarka ku soo qaatay wadanka Ereteriya.

Like it? Share it!

Leave A Response