Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sideed sharci

by admin | Tuesday, Mar 21, 2023 | 151 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

  1. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,

3 .Sharciga  Socdaalka,

  1. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
  2. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiisa
  3. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha
  4. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
  5. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response