Amar kasoo baxay Puntland oo Maanta ka dhaqan galaya Garoowe

by admin | Monday, Nov 15, 2021 | 237 views

Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah ka dhaqan gelinaya Magaalada Garoowe siyaasad lagu tayaynayo amniga caasimadda Garowe, taas oo ay horay u ansaxiyeen Golaha Wasiirada Maamulkaasi Puntland.

Sharcigaan ayaa waxaa caasimadda Garoowe ka mamnuucayaa hubka sharciga aan lahayn ee lagu dhex-wato ama lala soo galo Magaalada, sidoo kalena uu xadidayo Ciidanka hubka ku dhex-qaadan kara magaalada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Maxamed Cali Xaashi ayaa sheegay in Maanta Magaalada Garoowe ka bilaabanayaan howlgal ballaaran oo lagu baarayo magaalada iyo kantaroolada.

Waxaa uu amar ku bixiyay in aysan magaalada Garoowe soo geli-karin cid ciidan wadata oo aan warqad ogolaansho ka haysan laamaha Amniga Maamulka Puntland.

Go’aanadaan kasoo baxay  laamaha Amniga Puntland ayaa daba socday kadib markii Magaalada Garoowe ay kusoo bateen dilal iyo dhac loo geysanayo dadka Shacabka ah

Like it? Share it!

Leave A Response