Shir looga hadlayo abaaraha oo Maanta ka furmay Beledweyne

by admin | Monday, Nov 15, 2021 | 217 views

Waxaa Maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka furmay shir looga hadlayo xaaladaha Abaaraha ee degaannada Hir-Shabeelle, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gargaarka Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle.

Shirka ayaa waxaa diirada siweyn loogu saarayaa abaaraha kajiro Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle, sida uu sheegay agaasimaha Wasaaradda Gargaarka Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle.

Iskuduwaha Wasaaradda Gargaarka Maareeynta iyo Musiibooyinka Hir-Shabeelle ee Gobolka Hiiraan Xaawo Axmed Maxamed ayaa sheegtay in Shirkan uu muhiimad Gaar ah u leyahay Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabeelle loona baahayay in degdeg loogu jawaabo xaaladaha abaaraha.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa dhankiisa  ugu dambeyn ku baaqay in degdeg loogu jawaabo abaaraha kajiro Gobolka Hiiraan oo saameeyay bulsho farabada oo aan waxba heysan.

Degaano badan oo kuyaal Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajira abaaro xoogan, iyada oo dowladda Soomaaliya laga sugayo inay dadka ay abaartu saameysay inay u gurmato.

Like it? Share it!

Leave A Response