Antonio Guterres: “Dhabbaha keliya gargaar lagu gayn karo Gaza waa in la jebiyo Xayiraadda Israaiil”.

by admin | Monday, Mar 25, 2024 | 32 views

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo jeediyay in Israaiil lagu qasbo jebinta cunaqabataynta adag ay kusoo rogtay Magaalada Gaza si gargaar loogu gudbiyo dadka ku dhibaataysan Dhulka Falastiin.

Guterres ayaa tilmaamay in aanay suuragal ahayn in gargaar la gudbiyo iyada oo ay jirto xayiraadda Israaiil sidaas awgeed waxa uu dalbaday in loo baahan yahay raadinta dhabbaha loo jebin karo cunaqabatayntaas.

Digniin culus ayuu ka diray xaaladda aanay wanaagsanayn ee laga soo tebinayo dhinaca Magaalada Gaza maadaama Dadka halkaas ku dhibaataysan ay gaareen heer ay cunno la’aan ugu geeriyoodaan Magaaladaas.

“dhab ahaantii indhaha lagama daawan karo dadka ku dhibaataysan Gaza, waa in wadajir looga hortagaa dhibaatooyinkaas jira, dhabbaha keliya ee gargaarka bani aadamnimo loogu gudbin karo waa in la jebiyaa xayiraadda Israaiil ay saartay” Ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Guterres ayaa dhowr jeer waxa uu ku celceliyay in xaaladda ka taagan Magaalada Gaza ay tahay mid halis ah sidaas awgeed loo baahan yahay xal rasmi ah oo looga gudbi karo caqabadaha jira sida in la helo xabbad-joojin, heshiis rasmi ah & shuruud la’aan in la fasaxo gargaarka rayidka u socda.

Israaiil oo aad uga xumaatay hadallada adag ee Antonio Guterres waxaana Danjiraha u fadhiya Qaramada Midoobay uu soo jeediyay in uu Xoghayahan is casilo sabab la xiriirta in uu ka gudbay xeendaabka xadidaya maadaama uu Garab istaagay Falastiin.

Like it? Share it!

Leave A Response