Askari 19-sanno katirsanaa ciidanka dowladda lana shaqeenayay Al Shabaab oo xukun lagu riday.

by admin | Sunday, Mar 24, 2024 | 32 views

Kormeere koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) oo ka tirsan ciidanka minishiibiyada ee degmadda Afgooye, ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Al Shabaab, gaar ahaan qeybta istidlaaca (Jaajuusnimo), isaggoo xogaha saraakiisha, shaqaallaha iyo maamulka degmadaasi u gudbin jiray argagixisada.

Xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay maamulka degmadda Afgooye, ciidannimadana waxa uu qortay sannadkii 2005, isaggoo Al Shabaab ku biiray 2017, waxaana uu la shaqeyn jiray madaxii amniyaadka gobolka Shabeellaha hoose oo magaciisa afgarashada uu yahay Abtiga, kaasi oo markii hore ku tashkiiliyey kamid ahaanshiyaha maleeshiyada, is-faham kadibna waxaa lagu soo xiray labo dhagarqabe oo amniyaadka kooxda u jooga Afgooye ka mid ah.

Waxa uu si joogto ah Al Shabaab ugu gudbin jiray xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada maamulka iyo saraakiisha amniga degmadda Afgooye, waxaana uu ka qeyb ka ahaa shirqool lagu dilay guddoomiye ku xiggeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil August 2022, dilkaasna waxaa kala shaqeeyey nin lagu magacaabo Yaasir Jiis oo hadda ah horjoogaha guud ee ee maleeshiyada ku dhuumaalaysata gobolka Shabeellaha Hoose.

Muddadii uu shaqeynayey waxa uu khawaarijta la wadaagay xogaha shaqo ee shaqsiyaad ay kamid yihiin, Taliyihii hore ee booliiska Afgooye, Taliye ku-xiggeenka saldhiga degmada iyo guddoomiye waaxeedka 21-Octobar, kuwaasi oo xogo dhameystiran uu ka bixiyey.

Sidoo kale Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage mar uu kormeer shaqo ku tagey xerooyinka ciidanka xoogga ay ku leeyihiin Afgooye, ayuu xogo ku saabsan kormeerkiisa la wadaagay Al Shabaab.

Ciidanka hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya oo ku raadjoogay Daahir Garboole, ayaa shan iyo tobankii bishii October ee sannadkii 2023 ku qabtay gudaha degmadda Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) 10 Sano oo xabsi ciidan ah

Like it? Share it!

Leave A Response