Antonio Guterres oo kormeeray Xerooyin barakac oo kuyaalla Baydhabo

by admin | Tuesday, Apr 11, 2023 | 217 views

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa booqasho ku tagay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Koofur Galbeed.

Wafdiga Xoghaya Guud waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Marwo Shamso Maxamed Yarow, Wasiirka Gargaarka, Wasiirka Dekadaha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo.

Guterres ayaa Kormeer ku maray qaar kamid xeryaha ay daganyihiin dadka Barakacayaasha ee ay saameysay Abaarta daran ee ku dhifatay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliyeed.

Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirtaa Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ay hoggaamineyso dowladda Federaalka ee la dagaalanka Al Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response