Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo ansixisay qorshaha lagu kala dirayo Ciidamada Liyuu Booliska

by admin | Tuesday, Apr 11, 2023 | 178 views
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda dowlad degaanka Somaalida oo shir isugu yimid ayaa meel mariyay go’aankii ay soo jeedisay dowladda dhexe ee Itoobiya ee ahaa in la kala dirayo Ciidamada booliska gaarka ah ee ay leeyihiin degaannada dalka Itoobiya.

Warkan oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sidoo kale lagu sheegay in goluhu ay arrintaas ka yeesheen dood dheer, isla markaana cod buuxa ku ansixiyeen waxa ay ku tilmaameen dib u habayn lagu samaynayo Ciidamada Liyuu Booliska dowlad degaanka Soomaalida.

Arrintan ayaa kadhigan in dowlad degaanka Soomaalidu uu noqday degaankii u horreeyay ee ansixiya qorshaha ay qaadatay xukuumadda Itoobiya ee lagu kala dirayo Ciidamada gaarka ah ee Liyuu Booliska degaannada dalka Itoobiya.

Shacabka dowlad degaanka Soomaalida ayaa isagu aan qabin fikirka ah in la kala diro Ciidamada Liyuu Booliska degaanka, iyagoo sheegaya in Liyuu Boolisku yihiin Ciidamada kaliya ee sugi kara amniga shacabka degaanka Soomaalida ee lagu kalsoon yahay.

Waxaa xusid mudan in Warbaahinta ku hadasha Afka Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida sida Telefishinka degaanka Soomaalida ee SRTV aysan tabin Warkan, marka laga reebo Warbaahinta dowladda Itoobiya oo soo xiganaysa Twitter-ka ee Madaxweyne Mustafe Cagjar waana midda dad badani ay su’aal ka keeneen.

Isu soo duuboo, dad badan ayaa wax iska waydiinaya waxa ka dhalan kara, haddii qorshahan lagu kala dirayo Liyuu Boolisku uu siduu yahay u fulo, maadaama dadku intiisa badan ay ka aamin baxeen Ciidamada Millitariga dalka Itoobiya oo iyagu sugaya amniga goobaha ay banayn doonaan Liyuu Boolisku.

Like it? Share it!

Leave A Response