Arrinta ay DF ku dooratay in dalalka safka hore ay la kaashato dagaalka socda

by admin | Thursday, May 4, 2023 | 223 views

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay sababta ka dambeysa in dalalka safka hore ay la kaashato dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii Isniinta ka qeyb-galay kulan dadweyne ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay waddamada jaarka iyo kuwa naga fogba ay u kaashanayaan dagaalka, maaddaama uu cadowgu yahay mid caalami ah.

“Dagaalka aan ku jirno waa argagixiso caalami ah, dalalka safka hore waxaa u door bidnay si aan uga fogaano in Al-Shabaab ay helaan marba meel ay ku baxsadaan oo xagga u riix iyo xagga u soo riix ay meesha ka baxdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabayay su’aal ahayd sababta ay dowladdu u door bidday in ay dagaalka ka qeyb qaataan dowladaha safka hore.

Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweynaha in howl-galka la qorsheeyay ee ay wada-geli doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada dalalka safka hore uu noqon doono muddo ku siman sagaashan maalmood oo keliya, oo kooxda lagu furayo furimo horleh, si loo wiiqo awoodooda gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in ciidanka ay dalalka safka hore u soo dirayaan wejiga labaad ee dagaalka ay uga gedisan yihiin kuwii hore uga joogay dalka qeybta ka ah howl-galka ATMIS, inay yihiin kuwa howl-geli kara sida ay rabto dowladda Soomaaliya oo iyadu hoggaamineysa gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Ma heli karno inaan dhahno AMISOM ha naloo soo badiyo, ma heli karno AMISOM sida annaga aan rabno in ay u shaqayso, dowladahoodiina kalama heshiin karno sababta oo ah AMISOM waxay ku jirtaa United Nations Security Council iyo African Union, dowladahoodii xitaa wax badan kama baddeli karaan , kuwo annaga aan dhihi karno waddadaan baan rabnaa inaad martaan, ayaguna ay dowladahooda dhihi karaan waddadaas ay dowladda Soomaaliya codsatay mara waaye kuwa aan maanta haysanna.”

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha tusaale usoo qaatay bulshada bariga Afrika oo ay Soomaaliya dooneyso inay ku biirto iyo waddamada xubnaha ka ah, kuwaas oo aan wax lala wadaagi karin haddii aan la helin amni, sidaa daraaddeedna ay kaashanayaan cid kasta oo ka caawineysa la dagaallanka kooxaha khawaarijta.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda, waxaana dhawaan si rasmi ah u bilaabanaya wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan dalalka safka hore oo dowladda Soomaaliya ka gacan siinaya sidii kooxda looga cirib-tiri lahaa dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response