Wasiir Abshir:- “Muwaadiniin gaaraya 1,000 qof ayaa ka soo gudbay xuduudaha dalka Suudaan.”

by admin | Thursday, May 4, 2023 | 132 views

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Hureese ayaa shirguddoomiyay shir looga hadlayay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan.

Shirkaan oo soo agaasimay Xafiiska Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo-galootiga, waxaana ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaas oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Hureese oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in u jeedka shirka uu yahay sidii dib loogu soo celin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doosan Magaalada Khartuum oo ay ka socdaan dagaallo qaraar.

“U jeedada aan shirkaan u qabannay waxa ay ahayd, sidii looga shaqeyn lahaa soo celinta walaalaheen Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ku nool, oo saameeyay dalgaaka, illlaa hadda dad gaaraya 1,000 qof ayaa ka soo gudbay xuduudaha, qaar badan oo ka mid ah siyaabo kala duwan ayey dalka ugu soo laabteen,” sida uu yiri Wasiir Abshir.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Hureese ayaa sheegay muhiimadda ugu weyn ee shirka loo qabtay ay yahay sidii loo gorfeyn lahaa wixii u qabsoomay iyo caqabadihii ay la kulmeen, taas oo sahli kara in dib loo soo celsho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay dalka dib ugu soo celiso in ka badan 300 muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho, iyaga oo ka soo barakacay dagaalka ka socda dalka Suudaan ee bilowday April 14, 2023-ka.

Like it? Share it!

Leave A Response