Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Ergey cusub u soo magacaabay Soomaaliya

by admin | Thursday, May 4, 2023 | 229 views

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska u magacaabay in ay noqoto Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

António Guterres oo ah diblumaasiyad sare ayaa xilkaan kala wareegeysa Ergeygii hore ee Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka, kaas oo muddo ka shaqeenayay Soomaaliya.

Egeyga Cusub ee Xogahaya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo ah u leh diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, iyada oo horay u soo qabtay jagooyin badan oo siyaasadda dawladda UK heer qaran iyo heer caalami.

Catriona inta loo magacaabin Xilkaan waxa ay ka soo shaqeysay qaar ka mid ah Waddmada Qaaradda Afrika iyada oo soo noqotay Safiirka Ingiriiska ee Nigeria iyo Safiirka Ingiriiska u fadhiya Zimbabwe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa October 25, 2023 kulan saagootin ah kula qaatay Villa Somalia Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kaas oo xilligaas soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response