Askar ku geeriyootey qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose

by admin | Tuesday, Apr 21, 2020 | 475 views

Qaraxaan oo ahaa miinada  nooca dhulka lagu Aaso ayaa Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda waxaa lagula eegtay agagaarka deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka Muuri ayaa waxaa ay sheegeen inay maqleen dhawaqa qaraxa oo aad u xooganaa,isla markaana uu qaraxa haleelay mid kamid ah Gawaarida  Askarta Ciidanka Dowladda ee wadada marayay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay ku geeriyoodey lix Askari oo ka tirsan Millateriga Soomaaliya halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa kadib qaar kamid ah askarta ayaa ridey rasaas farabadan walow aysan dad wax ku noqon maadaama dadku ay aad ugu yaraayeen sida ay sheegeen dad ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ee deegaanka Muuri ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay Gobolada ugu amniga xun deegaannada Koonfur Galbeed,waxaana lka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo lala beegsado Ciidamada dowladda ee ka howlgalla Gobolkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response