Faah faahino ka soo baxaya qaraxyo ka dhacay degmada Awdheegle{AKHRISO}

by admin | Monday, Apr 20, 2020 | 466 views

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay qaraxyo nooca miinada ah ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Qaraxyada oo labo ahaa ka dhacay maqaaxi ku taalla degmadaasi, xilli ay ku sugnaayeen ciidamo Boolis ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadaasi ku dhintay ugu yaraan labo qof oo uu mid ka mid ah yahay askari halka ruuxa kale uu ahaa shacab.

Sidoo kale waxaa wararku ay sheegayaan in qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen illaa saddex askari oo ka mid ah Booliska degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay weeraradaasi qaraxyada ah ayaa sheegay inay wadaan haatan baaritaano ku aadan, sida ay wax u dhaceen.

Awdheegle oo ay ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada ayaa ka mid ah meelihii u dameebeeyey ee ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Inta badan Al-Shabaab ayaase weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response