Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo saacadahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda Fedaraalka ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud. ⓘ Sarreeye Guuto Caanood ayaa sheegay in howlgalada ka dhacay nawaaxiga degmada...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gubay gaari nuuca Layla Calaawi ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday naftii hallige ka tirsan kooxda Alshabaab. ⓘ Howlgalka lagu gubay gaarigan ayaa ka dhacay deegaanka Xuseen-Cageey oo hoostaga magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud. Hawlgalka ayaa dhacay ka dib markii hay’adaha amnigu ay heleen warbixin...

Masuuliyin ka tirsan Dawladda Fedraalka ah iyo Dawlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta kormeeray Ciidamada Difaaca Dadka deegaanka kuwaas oo isku diyaarinaya in ay ka qaybgalaan dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud. Masuuliyintaan oo ay ka mid yihin Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala,...

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa qaabbilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelmann oo uu soo dhammaatay shaqadii danjirinimo ee ay dalka u joogtay iyo Wafdi la socday. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay danjiradda sare u qaadidda kaalinta wadashaqeynta Midowga Yurub ay la leedahay Dowladda iyo dadka reer Galmudug. Dhankooda...

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 19aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ay soo xaadireen  142 Xildhibaan, ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa; Warbixinta Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise-Sharciyedka Hantidhowrka Qaranka...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Senator Cismaan Abuukar Dubbe ku amaanay hadal uu maalin ka hor ka jeediyey kulan uu yeeshay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladii 14-ka Agoosto ee sanad guurada Galmudug ka sheegay inuu dhageystay hadalka Sanetor Dubbe, wuxuuna sheegay inuu jeclaan lahaa in dadka dhan ay...

Raysal wasaarihii hore Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Dowladda federalka Soomaaliya in ay wax ka qabto tabashada ay reer Hiiraan. ⓘ Wareysi uu bixiyay Cabdiweli Gaas ayuu ku sheegay in  madaxweyne Xasan Sheikh looga baahan yahay inuu u tago reer Hiiraan kana dhegaysto doodda ay qabaan. “Maanta...

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xalay dab la qabad-siiyay masaajid kuyaalla magaaladaasi, waxaana hadda socda baaritaano lagu ogaanayo dadkii ka dambeeyay gubitaanka masaajidka. Masaajidka la gubay ayaa kuyaallay xaafada Horseed ee magaalada Dhuusomareeb, waxaana masjidka la sheegay in ay gubeen kooxo aan wali heebtooda...

Wariye Bushaaro Cali Baanday oo ay shalay siidaysay Maxkamada Gobolka Maroodijeex ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay sharci daro ku xidhnayd muddo 3 billood ah, ugu danbayna ay cadaalad heshay. ⓘ Baanday ayaa shalay laga sii daayay xasbiga  kadib markii ay iibsatay 1 sanno oo xadhig ah oo ay maxkamadu ku xukuntay, xadhigaasi oo ka dhashay 2 danbi oo aan sidaa...

Iyadoo dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay wado abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ku dooneyso iney Al-shabaab kaga saarto magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Al-shabaabka ku sugan Ceelbuur ay bilaabeen iney hubeeyaan dadka ku dhaqan degmadaas. ⓘ Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah waxgaradka...