Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa rejo ka muujiyay in Soomaaliya laga aqbalo codsigeeda ah in xubin ay ka noqoto ururkaas. Cabdisalaan Hadliye ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay codsatay ku biirista EAC balse ay sugeyso jawaab wanaagsan oo ah in laga aqbalo maadaama ay buuxisay...

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magacyada debleydii weerarka ku uqaaday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Kooxdan, oo ka koobneyd 6 uu midkood markii hore is-qarxiyey, iyo shan gudaha galay oo markii dambe la filay, ayaa ilaa hadda Al-Shabaab ay shaacisay codad dardaaran oo laga duubay afar ka mid ah. Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in mid ka mid...

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cadi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kulsn muhiim ah la yeeshay saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ee ku sugan xeebaha degmada Hoyo. Madaxweyne Qoor-Qoor iyo saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa wada-hadlay xoojinta howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta...

Iran aya ku eedaysay Israel inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen, weerar ay ku qaadeen magaalada Isfahan ee ku taalla bartamaha dalka Iran, kaasoo dhacay maalintii Sabtida ahayd. Qoraal lagu baahiyey bogga ay leedahay safaaradda Iran u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in calaamadaha hordhaca ahi inay muujinayaan in Israa’iil ay ka masuul...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS, waxaana uu kala hadlay dardargelinta wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga...

wararka naga soo gaaraya magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Ciidamada Somaliland ay halkaasi kudileen Wiil halinyaro ahaa oo kamid ahaa dadka Canka ka ah Magaaladaas. Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Dhayloos ayaa xilliga la dilayay oo uu ku sugnaa meelo kamid ah  Magaalada laascaanood uu ku hubeysnaa Qoriga AK47, balse...

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir oo uu hor-kacayay Taliyaha Saldhigga Gaashaanle Dhicis ayaa ku guleystay qabashada Koox iskugu jirtay burcadda Hubaysan iyo Ciyaal-weerada Kuwaas oo Ciidanku ka qabtaan isla Degmada Hodan. Kooxdaan oo afar kamid ah ay yihiin Ciyaal-weero ayaa dhaawac u geysatay labo Muwaadin, iyaga oo ku Dhaawacay Mindiyo ay...

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka ee koonfurta gobolka Mudug, isagoona ciidamada Daraawiishta iyo kuwa xoogga dalka ee halkaas ku sugan gaarsiiyay Shidaal iyo Xoolo. Wasiir Gaboobe oo ay booqshadaan ku wehlinayeen Senator Siciid Siyaad Shirwac iyo Wasiir ku xigeenka Beeraha Galmudug,...

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkigu aanu ogolaan doonin in Sweden ay ku biirto gaashaanbuurta NATO, illaa iyo inta dalkoodu ogol yahay in ay dhacaan mudaharaado lagu xumaynayo kitaabka barakaysan ee Quraanka Kariimka ah. Dalka Turkiga ayaa in muddo ah hortaagnaa in dalalka Sweden iyo Finland ay ku biiraan isbahaysiga milateri ee dalalka...

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo khamiis ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo horey dilal ugu geystay Askar kale oo ay shaqo wadaag ahaayeen. Afar ruux ayaa lagu toogtay faraagaha Iskuul Buluusiya, waxaana lagu kala magacaabi jiray: 1- Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa. 2-...