Ergayga Soomaaliya u qaabilsan ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo rejo ka muujiyay in la aqbalo dalabka DFS.

by admin | Saturday, Feb 4, 2023 | 239 views

Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa rejo ka muujiyay in Soomaaliya laga aqbalo codsigeeda ah in xubin ay ka noqoto ururkaas.

Cabdisalaan Hadliye ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay codsatay ku biirista EAC balse ay sugeyso jawaab wanaagsan oo ah in laga aqbalo maadaama ay buuxisay shuruudihii la hordhigay isla markaana ay qiimeeyeen xubnaha Guddiga ah ee Muqdisho loosoo diray.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa sheegay in Dowladdu ay dedaal badan gelisay sidii ay xubin uga noqon lahayd Ururka Bulshada Bariga Afrika oo ay rajeyneyso in dalabkooda lasoo aqbalo.

Waxa uu u mahadceliyay wakiilada kormeerka Magaalada Muqdisho u yimid si ay u qiimeeyaan in Soomaaliya ay ku habboon tahay in ay xubin ka noqoto ururka Bulshada Afrika ee is dhexgalka dhanka dhaqaalaha ah xoogga saaraya.

“Muddo ku dhow labo todobaad waxaa nala joogay wafdi ka socda ururka Bulshada Afrika, muddada ay joogeen wakiilada ka kala socotay waddamada xubnaha ka ah EAC waxa ay muujiyeen dhabar adeeg & rabitaan si ay u ogaadaan xogta dhabta ah iyo xaqiiqada ka jirta waddankeena gudihiisa, waxaa hubanti ah in ay wadaan natiijo ah wixii ay u yimaadeen” Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Haruuse.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda waddamada xubnaha ka ah Ururka Bulshada Afrika ka codsaday in Soomaaliya loo ogolaado in ay ku biirto ururkaas oo xubno ay ka yihiin Dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DRC), Rwanda, Burundi & Koofurta Suudaan.
MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo gaaray si uu uga qaybgalo wajiga 2aad ee Shirka Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response