Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ka dhacay degaanka laanta buuro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS iyo Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada...

Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa Taliska Booliska Dagmada Caabudwaaq kusoo bandhigay Axmed Dhagadheere oo labo Malin kahor Gudaha Dagamada Caabudwaaq kudilay Allaha u naxaristee taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walashiis Xaawo Cumar Geelle. Ninkaan oo ah Askari katirsan Ciidanka Millateriga ayaa howlgal xalay laga sameeyay...

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay qeybo ka mid ah degaanka labikuus oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad Goboleedka Jubbaland. War kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan (Africom) ayaa lagu sheegay in, iyaga oo la kaashanay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka...

Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay Gudiga Gurmadka qaraxii xooganaa ee Axaddii ka dhacay magaalada Jowhar, kadib kormeer u kuur-gal ah oo ku tagay goobta uu ka dhacay qaraxa iyo xaafadaha u dhow. Guddigaan oo ka kooban Howl-wadeennada Madaxtooyada iyo Wasiiro ayaa waxaa horkacaya Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle, waxayna...

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlagallada ay boolisku ka wadaan caasimadda Muqdisho, isagoo shaaciyey tirada tuugo iyo gaadiid lagu soo qabtay howlagalkaan oo loogu magac daray ‘Samakaab.’ Afhayeenka ayaa sheegay in afar burcad ah oo taleefano ka dhacaya lagu qabtay degmada Kaaraan, halka...

Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen duleedka degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Askari katirsan Ciidanka Millateriga oo ku eedeysan dilka taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Maamulka Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis. Ciidamada ayaa Askarigaan...

Wixii ka dambeeyey markii la shaaciyey in dib loo fasaxayo qaadkii Kenya ay u soo dhoofi jirtay Soomaaliya, waxaa cirka isku shareertay hadalheynta nooca ganacsi ee dhex mari doona Soomaaliya iyo Kenya. Prof. Shaafici Yuusuf oo iska leh shirkad ka shaqeysa dhoofinta Kalluunka Soomaaliya ayaa soo bandhigay xog ku saabsan heshiiskii ay dowladdii Farmaajo la gashay Itoobiya...

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maamusha 70% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay isku ballaarisay sanadihii dhowaa, ayada oo ay sacideen khilaafyada siyaasadeed ee mas’uuliyiinta Soomaalida dhexdooda, waxaa sidaas qoray wargeyska Washington Post. Halka ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xukumaan Muqdisho iyo caasimad goboleedyada, Al-Shabaab iyo dagaal-yahanadeeda...

Wasiirka gaashaandhiga ee Serbia ayaa sheegay in dhammaan siddeed shaqaale diyaarad xamuul ah oo ku burburtay meel u dhow magaalada Kavala ee dalka Greece ay dhinteen. Nebojsa Stefanovic ayaa sheegay in diyaaradda Antonov AN-12 oo laga lahaa Ukraine ay habeenkii Sabtida burburtay waxayna sidday 11 tan oo hub ah oo ay miinooyin ku jiraan oo laga keenay Serbia loona waday...