Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa midba midka kale uga digay Taiwan, xilli ay ku wada hadleen taleefoon qaatay in ka badan laba saacadood. Madaxweyne Joe Biden ayaa u sheegay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, in Mareykanka uu si adag uga soo horjeedo dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo lagu bedelayo maqaamka jasiiradda. Laakiin waxa uu intaa ku daray in siyaasadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisii toddobaad, tan iyo markii dib loo doortay, ku tegay Axaddii July 24, 2022 dalka Masar. Madaxweynaha Masar Cabdel-Fattax al-Sisi oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka hadleen ayna isku afgarteen in buuxinta biyaxireenka uusan noqon karin mid HAL DHINAC keliya uu go’aansado. Si kastaba ha...

Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariikhda ka dagaalantay gudaha dalka Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Ilo-wareedyo amni oo ku sugan gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ciidamada Liyuu Boolis ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah gobolka. Al-Shabaab ayaa galay gobolka Arbacadii kadib markii...

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Jimcaha maanta ah ay Ruushka iyo Ukraine magaalada Istanbul ku kala saxiixa doonaan heshiis oggolaanaya in dib loo furo dekadda Odesa ee Badda Madow ee dalka Ukraine. Tallaabadan ayaa fududeyn doonto in dib loo billaabo dhoofinta malaayin tan oo qamadi ah oo muddo bilooyin ah ku xayiran dekadaha Ukraine. Dhoofinta qamadiga Ukraine ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-gelay Shir Hordhac u ah Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshada Soomaaliya ee dalladan, isagoo tilmaamay dadaalka uu muddada badan ku bixinayey...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC). Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed...

Sagaal qof oo rayid ah oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ku dhintay, 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar Turkiga ku qaaday gobolka Dohuk ee waqooyiga Ciraaq, sida ay saraakiishu sheegeen. Telefiishanka Ciraaq ayaa sheegay in “duqeymo culus” lagu garaacay goob loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Zakho, oo dhacda xadka gobolka Kurdistan ee Ciraaq iyo Turkiga. Wakaalada...

Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ku dhaxmaray degaano kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida Ciidamada liyuu Boolis iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno kamid ah Al-Shabaab oo ka tallaabay xadka Somalia ay weerareen Saddex Goobood oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowlad...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta oo khamiis ah safarkii lixaad oo dalka dibaddiisa ah waxaa uu ugu wajahan yahay dalka Tanzania. Madaxweynaha ayaa marti waxaa uu ku yahay Shir Madaxeedka 22-aad ee Caadiga ah ee Madaxda EAC oo 21-ka & 22-ka July ka dhici doona Magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Dalka Soomaaliya ayaan kamid aheyn ururkaan dhaqaalaha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedyada Koonfur galbeed iyo Jubbaland . War kasoo xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa...