Sheekh Aadan Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay Xildhibaannada kasoo jeeda KGS & Jubbaland

by admin | Thursday, Jul 21, 2022 | 342 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedyada Koonfur galbeed iyo Jubbaland .

War kasoo xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in Kullanka u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay labo qodob oo kala ah.

1- Abaaraha iyo sidii Xildhibaanada gacan uga gaysan lahaayeen

2- Midnimo iyo isku xirnaasho Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaas.

Xogaha kale ee la helay ayaa sheegaya in Sheekh Aadan Madoobe uu Xildhibaannada ka dalbaday in la taageero Golaha Wasiirada ee la soo Mahacaabi doono, isaga oo u xaqiijiyay in Xildhibaannada qaarkood kamid noqon doonaan Golaha Wasiirada.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddi ka kooban shan xubnood u xil saaray in ay ka shaqeeyaan sidii wax loogu qaban lahaa gurmadka Abaaraha.

Like it? Share it!

Leave A Response