Dowladda Ingiriiska oo Kenya ka caawineysa la dagaalanka Al-Shabaab

by admin | Thursday, Jul 21, 2022 | 375 views

Dowladda Ingiriiska oo dowladda Kenya ka taageeraysa xoojinta dagaalka ay Kenya kula jirto kooxaha loogu argagixisada gobbolka xeebta ayaa malaayiin dollar ku taageertay xarun loogu talagalay inay ku hawl galaan Ciidamada Booliska la dagaalaka Argagixisada ee –ATPU.

Xarunta oo laga hirgaliyay gobbolka Xeebta ah ee Mombasa ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Kenya, kuwaas oo loogu talo galay inay la dagaalamaan Ururka Al-Shabaab.

Gobbolka Xeebta ee Kenya ayaa kamid ah meelaha ay kooxaha loogu yeero argagixisadu ay ku qaadaan weerarada ay la beegsadaan Ciidamada dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa waxaa Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Jubbada Hoose & meelo kamid ah Gedo kajooga Ciidamo farabadan oo kuhowlgalla magaca howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, iyaga oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response