Al-Shabaab oo weerar ka geystay dhulka dowlad degaanka Soomaalida

by admin | Thursday, Jul 21, 2022 | 353 views

Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ku dhaxmaray degaano kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida Ciidamada liyuu Boolis iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno kamid ah Al-Shabaab oo ka tallaabay xadka Somalia ay weerareen Saddex Goobood oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis.

Degaannada uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa kamid ah Tuulada Washaaqa ee Degmada baareey, Tuulada Biyacad ee degmada Qooxle & Tuulada siifaan ee Degmada Godgod laga maamulo, waxaana dagaalkii ka dhacay degaannadaas ka dhashay khasaaro kala gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

In kastoo aysan weli ka hadlin dagaalka Saraakiisha Ciidamada liyuu Boolis ayaa hadana dadka degaannada la weeraray ay sheegeen in dagaalka sidoo kale lagu gubay Gawaari dagaal, sidoo kalena madaafiic leys weeydaarsaday.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida ay wadaan howlgallo kala duwan, iyaga oo dhowr bilood ka hor qabtay Xubno lagu tuhmayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo hub ay wateen.

Like it? Share it!

Leave A Response