Weerar duqeyn ah oo Sagaal qof lagu dilay

by admin | Thursday, Jul 21, 2022 | 362 views

Sagaal qof oo rayid ah oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ku dhintay, 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar Turkiga ku qaaday gobolka Dohuk ee waqooyiga Ciraaq, sida ay saraakiishu sheegeen.

Telefiishanka Ciraaq ayaa sheegay in “duqeymo culus” lagu garaacay goob loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Zakho, oo dhacda xadka gobolka Kurdistan ee Ciraaq iyo Turkiga.

Wakaalada wararka ee dalkaasi ayaa sheegtay in dhamaan dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal. Saraakiisha Ciraaq ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ka dambeeyay weerarka, balse Ankara ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay dhacdada.

Madaxa gobolka Zakho, Mushir Bashir, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin “dalxiisayaal ka yimid Carabta Ciraaq, oo u badan kuwo ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalka”,.

Turkiga ayaa maanta labo jeer duqeeyay tuulada sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Bashiir ayaa intaa ku daray in dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal u yimid tuulada buuraleyda ah ee Barkh ee gobolka Zakho si ay uga badbaadaan heerkulka sare ee ka jira koonfurta dalka.

Caamir Cali oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee magaalada Zakho ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen labo caruur ah oo saddex rag ah iyo saddex dumar ah. Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid lagu weeraray madax banaanida Ciraaq.

Waxayna Golaha Wasiirada Amniga Qaranka, oo uu madax ka yahay Al-Kazemi, ay go’aansadeen in ay amar ku siiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay u yeerto safiirka Turkiga ee Ciraaq oo ay u sheegto sida ay Baqdaad u cambaareynayso dhacdada.

Like it? Share it!

Leave A Response