Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa lagu sheeegay in madaxweyne ku xigeenku uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilkii madaxweynaha ee Puntland, isagoo faray hay’adaha dawladda inay u hoggaansamaan ilaalinta iyo dhawrista dastuurka Puntland iyo qawaaniinta kale. Madaxweyne ku xigeenka ayaa qoraalka...

Waxaa xalay siyaabo kala duwan ay dilal qorsheysan uga kala dhaceen Magaalooyinka Beledweyne oo katirsan Gobolka Hiiraan & Magaalada laas-Caanood oo ah Xarunta Gobolka Sool. Nin hubeysan ayaa Magaalada Beledweyne ku dilay Nin lagu Magacaabi jiray Saciid Xasan Axmed ( Madaxeey) oo kamid ah dadka kunool Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Warwrka aan helnay...

Guddigii xaqiiqo raadinta ee dagaalkii Boosaaso ku dhexmaray Ciidamada Puntland & kuwa PSF dhamaadkii Sanadkii la soo Dhaafay ee 2021 ayaa soo bandhigay qiimeynta Dhamaan Khasaaraha nafeed & midka hantiyadeed ee ka Dhashay dagaalkaas. Guddiga oo ka Koobnaa 13 Ruux ayaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni dhawaan Boosaaso kula kumay, isaga oo u balan qaaday...

Kulan Xasaasi ah ayaa Magaalda Muqdisho waxaa uu ku dhexmaray Madaxweegihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Midowga Musharrixiinta iyo Madaxweynaha Phntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay Muqdisho soo gaaray. Kulankan oo la xiriira xaaladda Siyaasadda dalka ayaa lagu gorfeeyay arrimaha doorashada gaba gabada ah iyo isbeddelka siyaasadeed ee la filayo...

Waxaa xalay Magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo ku hoyday xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya iyo kan xallinta khilaafaadka. Xubnahaas ayaa ujeedada ay halkaasi u tageen ku sheegay qiimaynta ah in ay magaaladu diyaar u tahay in doorasho lagu qabto iyo sidii doorashada kuraasta baarlamaanka ee taalla magaaladaas loo...

Ciidanka oogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 84aad guutada 14 October ee ka howlgala degaanka Janaale ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyey tuulooyin hoostaga u dhow degaankaas, halkaas oo lagu arkay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab. Abaanduulaha Ururka 84-aad, guutada 14 October laba xidigle Cali Mahdi oo howlgalka hogaaminayay ayaa  Idaacada Ciidamada u sheegay...

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dad lagu qiyaasay 20 milyan oo qof oo ku nool qaybo ka mid ah Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ay abaaruhu saameeyeen in ay la kulmi karaan musiibo ay gaajadu ka mid tahay, haddii gobolka ay ku dhufato abaar sannadkii afraad oo xiriir ah. Roobabka ayaan sidii la filayay uga da’in Geeska Afrika xilli-roobaadkan, waxaana...

Maanta ayaa Maxkamadda Sare ee dalka waxaa ay billowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee hakiyay kursiga hop086 oo uu horey ugu guulaystay la-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo ahna taliyihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Goobta dhageysiga Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka...

Wafdi uu hogaaminaayo Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, ayaa ka qeyb galay Shir ay ku qabaneysay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha Wadanka Mooritaaniya. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay  Wasiirada Wasaaradaha Beeraha ee Carabta Madaxda Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha, Jaamacadda Carabta, Safiirada Dowladaha Carabta iyo wakiilo...

Muhaajiriinta u tahriibaya dalka Maraykanka ee ka soo gelaya xadka dalka Mexico ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey muddo labaatan sano ah. Maraykanka ayaa isu diyaarinaya inay xadka soo gaaraan tiro intaas ka sii badan, iyada oo la filayo in la qaado amar dhinaca socdaalka ah oo la soo rogay xilligii uu sida aadka ah u faafayey xanuunka COVID19, kaas oo dib u celinayey...