Axmed Mayre: “shacab dagaalsan ma jiro ee Siyaasiyiinta ayaa dagaashan”

by admin | Monday, Nov 12, 2018 | 764 views

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa Magaalada Jowhar ku soo gaba gabeeyay shir dib u heshiisiin ah oo loo qabtay qaar ka mid ah Beelaha dega Gobolka Shabeellaha dhexe.

Axmed, oo ka hadlayay kulanka ayaa sheegay in guud ahaan Soomaaliya aysan hadda ka jirin shacab la dagaashan shacab kale ama qabiillo isku haya wax kale ee ay inta badan dagaalka ugu badan ee dalka ka jiraa wadaa siyaasiyiinta.

Waxaa uu canaantay siyaasiyiin uu sheegay in marka ay dantooda shaqsiga ah waayaan dhinac kale u leexda si ay dantooda u gaaraan.

Axmed Mayre Makaraan, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in loo baahanyahay dowlad ka shaqeyn karta danta shacabka laakiin aan loo baahneyn siyaasiyiin danahooda gaarka ah ka fakaraya.

Like it? Share it!

Leave A Response