Israa’iil oo Taliye Xamaas ka tirsan dishay

by admin | Monday, Nov 12, 2018 | 860 views

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijiysay in ugu yaaraan Lix ruux oo Falastiiniyiin ah oo uu ku jiro sarkaal ururka Xamaas ka tirsan lagu  dilay intii Israa’iil ay hawlgalka ka waday marinka Qaza.

Ciidamada Yahuuda ayaa sheegay in hal askari laga dilay mid kalana laga dhaawacay intii ay hawlgalka wadeen ciidammada khaaska ah ee marinkaas.

Benjamin Netanyahu Ra’iisulwasaaraha Israa’iil  ayaa go’aansaday in uu soo gaabiyo booqashadii uu ku joogay magaalada Paris ee kaga qaybgalayay xuska 100 guuradii ka soo wareegtay Dagaalkii Koobaad ee Adduunka.

Afhayeen u hadlay Xamaas oo ah ururka hubaysan ee ku xoog badan Qaza ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar arxan darro ah oo Israa’iil qaaday.”

Salkaalka sare ee laga dilay Xamaas ayaa lagu Magacabaa Sheikh Nur Barakeh kaas oo taliye u ahaa guutada Izzedine al-Qassam oo ururka u qaabilsan Khan Younis.

Like it? Share it!

Leave A Response