Beelihii ku dagaallamay Koofurta Sool oo gogol nabadeed loo dhigay Jigjiga

by admin | Sunday, Nov 11, 2018 | 830 views

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar ayaa ugu baaqay dhinacyada dhawaan ku dagaallamay Koofurta Gobolka Sool in ay isugu tagaan Magaalada Jigjiga.

Dagaalkii degaanka Dhumay ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 60 Qof oo labad dhinac ah,waxaana markii dambe isku dayay in ay joojiyaan Odayaal ka kala socda Puntland, Somaliland iyo Ismaamulka Somalida.

Mustafe Cagjar ayaa Odayaasha Labada dhinaca Gogol nabadeed u dhigay Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad degaanka.

Wahadalka labada dhinaca ayaa lagu wadaa in uu billowdo 22ka Bishan November si halkaas loogu soo afjaro colaaddii ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacday Degaanka DHumay ee Koofurta Gobolka Sool.

Guddiga dhex dhexaadinta beelahaas ayaa sheegay in labada dhinac ay aqbaleen ka qeybgalka gogosha Jigjiga,maaddaa heshiisyadii horay loogu kala saxiixday gudaha Gobolka Sool lagu fashilmay oo aysan dhaqan gelin.

Like it? Share it!

Leave A Response