Bahdilaada & Hanjabaad lagula kacay Wariyayaasha Baydhabo oo Shirka loo diiday{sawiro}

by admin | Monday, Jun 4, 2018 | 1071 views

Wariyayaasha ka howlgalla Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa laga hor-isataagay in ay ka qeyb galaan,isla markaana ay soo tebiyaan Shirka Amniga Qaranka.

Wariyayaasha oo shalay ku dhaqaaqay Shaqa joojin ayaa waxaa jirtay in arrintaasi xal laga gaarey kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan)

Wariyaal ku sugan Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in Maanta laga hor-istaagay in ay Galaan halka uu ka socdo shirka Amniga Qaranka,isla markaana Ciidamada qaarkood ay ula soo baxeen Bustoolado.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xilli shirkaas ay goobjoog ka yihiin Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha.Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed oo masuulka ah waxkasta ee ka dhaca Magalada Baydhabo.

 

https://www.warqaad.info/wp-content/uploads/2018/06/

 

https://www.warqaad.info/wp-content/uploads/2018/06/

 

https://www.warqaad.info/wp-content/uploads/2018/06/

https://www.warqaad.info/wp-content/uploads/2018/06/

Like it? Share it!

Leave A Response