Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada,waa Hoggaamiye kooxeed casri ah

by admin | Monday, Jun 4, 2018 | 980 views

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka md ah Golaha shacabka Soomaaliya uga warramay warbaahinta  waxa laga filan karo shirka amniga Qaranka ee maanta ka furmay  Magaalada Baydhaba.

Waxaa uu XIldhibaan Jeesow sheegay in uusan jirin xiriir toos ah oo ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada,waxaana uu ku eedeeyay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada in ay u dhaqmayaan sida dal ka madaxbanaan Soomaaliya.

Arrinta amaanka ayuu sheegay in ay tahay mushkiladda ugu weyn,waxaana uu tusaale u soo qaatay dagaalkii Moqori ee askarta looga dilay Dowladda Soomaaliya iyo Gaadiidkii lagu gubay inta u dhaxeysa Qurac joome iyo Xuddur ee Gobollada Bakool iyo Hiraan.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in Taliyayaasha Ciidamada ee Gobollada iyo dowladda dhexe aysan xiriir lahayn islamarkaana kaalmo is weydiisan karin.

Waxaa kale oo uu intaas raaciyay in dowladda Dhexe aan loo oggoleyn meel ka baxsan  Baraha Hubinta ee Darmooley iyo Siinka dheer,wixii ka xaggeeyana ay maamul Goboleedyada ka arrimiyaan.

Nidaamka Federaalka ah ayuu sheegay in aysan jirin shacab Soomaaliyeed oo u codeeyay ama doortay,waxaana uu hoggaamiye kooxeedyo casri ah ku tilmaamay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ee aan ka dambeyn dowladda dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response