Bannaanbax rabshado watay oo markale ka dhacay laas-Caanood iyo dad lagu dilay

by admin | Thursday, Dec 29, 2022 | 135 views

Xaaladda Magaalada laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa kacsan maalintii Saddexaad , halkaas weli dibad baxyo ay ka socdaan, kaas oo ay dhigayaan qaar kamid ah Shacabka Magaalada.

Dadka bannaabaxa dhigaya ayaa cabasho ka ah dilalka qorsheysan ee mar walba ka dhaca magaalada laas-Caanood, iyada oo Somaliland aysan waxba ka qaban dilalkaas.

Bannaanbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada laas-Caanood ayaa waxaa Ciidamada Somaliland rasaas ay fureen ku dhintay in ka badan 5 Ruux halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda Magaalada laas-Caanood ayaa kacsan Maalintii Saddexaad, waaana xiran dhammaan Goobaha Ganacsiga ee Magaalada laas-Caanood kadib marki ay sameeyeen bannaanbaxyada.

Like it? Share it!

Leave A Response