Dowladda Sacuudiga oo xayiraadii ka qaaday Xoolaha Soomaaliya

by admin | Thursday, Dec 29, 2022 | 160 views

Hay’adda Guud ee Cuntada iyo Daawooyinka we dalkaasi ayaa soo saartay Go’aan Farxad leh oo ku aadan in Xayiraadii laga qaaday Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jirey Boqortooyada Sacuudiga.

Wargeyska CUKAAD ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday Xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay Hilibka iyo Xoolaha Geela, Lo’da iyo Idaha laga keeni jirey Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo la tixraacayo Qoraal ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ee Caafimaadka Xoolaha, si loo qaado Xayiraadii Xoolaha Soomaaliya saarnayd.

Dhanka kale, Rugta Midowga Ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa bilaabay inay Wareegto u kala diraan Rugaha Ganacsiga iyo Macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in Xayiraadii laga qaaday Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response