Barakac ka bilowday magalada baladweyne.

by admin | Wednesday, Nov 8, 2023 | 98 views

Qoysaskii ugu badnaa ayaa ayaa dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay ka barakacay xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarnta gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka cabsi qaba inuu fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle oo dhexmara gudaha Baledweyne.

Xaafadaha Xaawo Taako, Bundaweyne iyo Kooshin ayaa ah xaafadaha ugu badan ee sida weyn looga  barakacay, waxaana la arkayay qoysaskii dagana xaafadahaasi oo u barakacaya goobo kala duwan oo aysan gaari karin biyaha wabiga Shabeelle.

Dadka ayaa intooda badan u barakacaya Xaafada Ceel jaalle ee duleedka magaalada Baledweyne iyo goobaha kale ee taaga ah oo aysan biyaha gali karin ee ku yaala gudaha magaalada Baledweyne.

Cabsida barakacaan ayaa timid kadib markii ay si weyn u soo kordheen biyaha uu wado Wabiga, islamarkaana roobab xoogan oo mahiigaan ay ka da’ayeen saacadahii lasoo dhaafay magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku dhadhaw.

Shan bilood ayaa laga jooga fatahaadii uu sanadkaan gudahiisa wabiga Shabeelle ka sameeyay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana haatan markale dadka ku dhaqan xaafadaha Baledweyne ay ka barakacaan cabsi la xariirta inuu mar labaad ku fataho xaafadaha Baledweyne sanad gudahiisa

Like it? Share it!

Leave A Response