Burbur xooggan oo gaaray Waddada isku xirta Gaalkcyo iyo Hobyo{sawiro}

by admin | Tuesday, Nov 7, 2023 | 91 views

urburka xooggan ayaa gaaray Waddada isku xirta Gaalkcyo iyo Hobyo, gaar ahaan deegaanka Saqiiro oo qiyaastii  Hobyo kaga beegan 15 km dhanka waqooyi, kadib markii ay daaddad xooggan ay burburiyeen guud ahaa waddadaas.

Burburka wadadaan soo gaaray ayaa hakad galiyey isku socodkii gaadiid iyo dadweynaha ee isaga safri jiray degmooyinka gobolka mudug iyo gobolada kale ee la dariska ah.

Burburka soo gaaray waddadaan ayaa laga cabsi qabaa in uu sare kac ku yimaado maciishada quutul daruurigaa ee hada yaala Magaalooyinka ay ka mid tahay Gaalkacyo madaama waddadaan ay muhiim u ahayd Isku xirka ganacsiga Magaalooyinka gobolka Mudug.

Roobabka ka billowday dalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho dhaawac Barakac iyo Burbur ku yimid qaar ka mid waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha sida burbur ku ymid waddooyinka muhiimka ah iyo daadad ku soo rogmaday xarumaha qabta adeegyada bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in gurmad la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay Roobabka ka’day dalka, xilli khasaaraha dhimashada ay kor u dhaafay 25 qof, sidoo kale waxaa jira cabsi xoogga laga qaba in ay fatahaan wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

No photo description available.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response