Hay’adda NISA oo qabatay 25 qof oo loo waday inay ku biiraan Alshabaab

by admin | Tuesday, Nov 7, 2023 | 101 views

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 25 qof oo ay ku jiraan wiilal da’doodu yar tahay, kuwaas oo qorsheynayay in ay ku biiraan argagixisada.

NISA ayaa sheegtay, dadkani in lagu qabtay meel u dhow Afgooye. Sidoo kale waxay gacanta ku dhigtay darawalkii waday gaariga ay la socdeen oo ahaa bus yar iyo sidoo kale labo fududeeye.

Lama xaqiijin halka ay ku wajahnaayeen 25-ka qof ee hay’adda NISA ay sheegtay in loo waday inay Shabaab ku biiraan. Macluumaad intaas ka bandanna hay’addu ma aysan bixin.

Wuxuu warkaan kusoo aaday, iyadoo dowladda horey u sheegtay in ka badan 10 kun oo Shabaab ah in lagu dilay dagaaladii iyo duqeymihii laga fuliyay Galmudug iyo Hirshabeelle.

Sidoo kale, dad badan ayaa iskusoo dhiibay gacanta dowladda, kuwaas oo kasoo goostay Alshabaab, waxaana meelaha la iskasoo dhiibay ugu badan degaanada Koonfur Galbeed.

Alshabaab ayaa lagu eedeeyay inay sanad walba askarayso dhallinyaro aad u da’ yar, oo waalidkood si juujuub ah loogasoo kaxaysto, si ay uga qeyb galaan weerarada ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Like it? Share it!

Leave A Response