Beeralayda jaadka Miirowga ee Kenya oo wajahay suuq xumo ku khasabtay inay dalagyo kale abuurtaan

by admin | Monday, Aug 7, 2023 | 124 views

Qayb ka mid ah beeralayda jaadka ee Miiruu ee dalka Kenya, ayaa jaray geedkii Miiraaga sababo ay ku tilmaameen in ay Dowladda Kenya dayacday. Waxay sheegeen in dowladdu ay xoogga saarayso wax soo saarka kale ee dalka.

Sida ay sheegeen beeralayda, wax soo saarkooda waxaa saameeyay ganacsatadii suuqa koontaroolaysay, taasoo keentay in beeraleyda ay lacago ka sameeyaan lawska.

Tuulada Gaciongo oo ku taal deegaanka Mutuati oo hoos tagta degmada Igembe North, Alexander Mwenda oo kamid ah ganacsatada beeraha Jaadka Miirowga, ayaa wuxuu jaray saddex kamid ah geedihiisa Miirowga niyad jab awgeed.

Mwenda waxa uu sheegay in in ka badan 20 sano, uu lacag badan ka heli jiray beertiisa balse hadda ma uusan haysan wax kale oo door ah oo aan ahayn in uu ku beddelo geedaha cagaaran iyo dalagyo kale.

Wuxuu sheegay in markii hore beertiisa uu ka heli jiray lacag ka badan 50,000 oo Sh.

Beeralayda ayaa sheegay in suuqa Miiraagu uu sii xumaanayo maalinba maalinta ka danbaysa iyaga oo intaa ku daray in xitaa ka dib markii ay u qeylo dhaamiyeen dowladda aysan muuqan wax isbedel ah.

Dadka deggan gobolka lagasoo saaro jaadka Miirowga oo inta badan ku tiirsan dalagan, si ay ugu noolaadaan, ayaa sheegaya in ay ka fiirsan doonaan in ay iska dhaafaan tacbashada Miirowga, oo ay u bilaan dalagyo kale. Waxa ay intaas ku dareen in inkasta oo ololihii hore ee siyaasiyiintu ay sheegeen tobaneeyo balan qaad ah, haddana aysan muuqan wax isbedel ah, xaaladuna ay u muuqato mid ka sii daraysa.

“Ma awoodno inaan iska bixinno kharashka dugsiga carruurteena ee dugsiyada gaarka loo leeyahay, xaaladduna waxay nagu khasabtay inaan u guurno dugsiyada dawladda. Noloshoodu sidii hore maaha, iyadoo qiimaha maciishada oo aad u qaali ah, dad badan oo deegaanka ah ayaa sidoo kale u guuray gobollo kale oo beeralay ah si ay shaqo u raadsadaan qiimaha maciishada oo qaali ah awgeed”, ayuu yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka.

Suuq xumada badeecooyinkooda ayaa keentay in nolosha caadiga ah ee dadka ku nool gobolka ay aad hoos ugu dhacdo.

Moses Lichoro, oo ah guddoomiyaha ururka beeralayda iyo ganacsatada Miraa ayaa sheegay in ilaa 7 canshuur laga qaado qaadka Kenya ay u dhoofiso Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response