Dowladda Fedaraalka oo shaacisay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Hiiraan lagu burburiyay gadiid qaraxyo lagu diyaariyay

by admin | Tuesday, Aug 8, 2023 | 91 views

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay aroornimadii hore ee saakay deegaanka Mukayle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka ka dhacay deegaanka Mukayle lagu beegsaday Garaash wayn oo ku yaala gudaha deegaankaas oo la tilmaamay in kooxdu ay ku diyaariyaan qaraxyada, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid lagu diyaariyay qaraxyo.

“Ciidanka Qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar Gaari oo Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay ugu waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed. Goobtaas waxaa ku halaagsamay Maleeshiyaad fara badan oo ah kuwa sida gaarka ah ugu tababaran sameynta Qaraxyada

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay iney jiraan khasaaro kale oo gaaray kooxda Al-shabaab, islamarkaana dowladda ay dib kasoo gudbin doonto khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray Ururka Al-shabaab weerarkaan ka dhacay deegaanka Mukayle ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamiga ah ee taageera ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay weerarada qorsheysan oo ay ku beegsanayaan xarumaha kooxda Al-shabaab ay kaga sugan yihiin maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response