Beeraleyda Jaadka Kenya oo dhabar jab ku tilmaamay in Soomaaliya albaabada u furtay ganacsiga Jaadka Ethiopia

by admin | Saturday, Aug 12, 2023 | 100 views

Beeralayda jaadka Mirawga ah ee Kenya ayaa walaac weyn ka muujiyay hoos u dhac ku yimid iibka dalagooda, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay Itoobiya siisay, in ay 10 maalmood bishiiba kasoo dajiso Soomaaliya Qaadka loo yaqaano Hareeriga.

Guddoomiyaha ururka ganacsatada Qaadka Mirawga, Kimati Munjuri ayaa sheegay in shirkadaha xamuulka qaada ee ka howlgala Nairobi ay Muqdisho ka heleen awaamiir ah in aan la oggolaan karin xamuulka qaadka Miraa, laga bilaabo 11-ka Agoosto.

Arrintan ayaa timid kadib markii Itoobiya, sida la sheegay, ay Soomaaliya u gudbisay cabasho ku aaddan awoodda Kenya ee suuqa qaadka Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Maxamuud uu qaaday xayiraaddii Qaadka ee sannadkii hore.

Awaamiirtan ayaa timid iyadoo xoghayaha Wasaaradda Gaadiidka Kenya Kipchumba Murkomen iyo dhiggiisa Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal, ay Arbacadii kala saxiixeen heshiis laba geesood ah oo lagu xoojinayo duullimaadyada rakaabka iyo xamuulka ee labada dal.

Guddoomiyaha ururka ganacsatada Qaadka Miraa, ayaa sheegay in Itoobiya ay dabada ka riixayso in ay la wareegto suuqa Jaadka ee Soomaaliya.

Mr Munjuri waxa uu sheegay in awaamiirta ka soo baxday Soomaaliya ay ka dhigan tahay in aan wax jaad ah loo dhoofin doonin Muqdisho laga bilaabo todobaadkaan.

“Waan ku wargelinay dowladda qorshahan laba toddobaad ka hor, laakiin waxay u muuqataa in saraakiisha Kenya ay awoodi waayeen inay baajiyaan. Xaqiiqda ah in Itoobiya ay yeelatay maalmo ganacsi oo gaar ah waa sababo la xiriira fara galinta tooska ah ee ra’iisul wasaarahooda. Waa in Kenya ay muujineysaa kaalinteeda,” ayuu yiri Mr Munjuri.

“Itoobiya waa inay si cad oo xalaal ah nagula tartamaan. Ganacsiga Miraa ee Soomaaliya waxaa ilaalinaya heshiis laba geesood ah. Sheegashada Itoobiya ee ah in aan suuqa isku koobnay run maaha, waayo ganacsiga waxaa haga tartamayaasha suuqa,” ayuu yiri Mr Munjuri.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda  Kenya in ay dib u furto soohdinta Soomaaliya si ay hoos ugu dhigto qarashka qaadka lagu geeyo Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response