Beesha Caalamka oo qiimeyneysa Doodda & difaaca ka taagan Doorashada Soomaaliya.

by admin | Wednesday, Nov 25, 2020 | 359 views

Beesha Caalamka ayaa qiimeyn siyaasadeed ku wada loolanka Doorashada 20/21 ee ku bilaabatay cabashada & kulamada isdiidan ay sameynayaan Madaxda DFS & Musharixiinta Madaxweynaha.

Wakiila ka socda Beesha Caalamka ayaa ka qaybgalay fadhiyada kala duwan oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay, isla markaana looga arrinsanayay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sidii ay dhici lahayd Doorasho ay ku qanacsan yihiin shaqsiyaadka dhaliilsan sida loo abbaaraya.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa galaangal Muuqda ku leh Siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan marka la gaaro xiliyada geedi socodka (Kala guurka) oo muddo xileedka Dowlad uu dhamanaayo, halka la isu diyaarinaya Dhismaha Dowladda cusub.

Waxa ay dhageysanayaan hadallada labada dhinac waa DFS & Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 20/21 oo dooddooda ugu weyn ay ku biyo shubaneyso guddiga Doorashada xubnaha lagu daray.

Dood iyo is dhaleeceen aan dhammaad lahayn waa iska xaal doorasho, xiliyada ugu badan ee la arko waa marka la gaaro waqtiga Doorashada oo qof waliba uu xildoon ah muujiyo tabashadiisa hadba wixii jira.

Beesha Caalamka oo la isku yiraahdo Waddamo, Ururo & dhinacyo kala duwan ayaa kor kala socda xaaladda Soomaaliya, kaliya waxa ay mar ku baaqday in miiska wadahadalka lagu dhameeyo tabashooyinka siyaasadeed.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa muuqaalka fogaan aragga, toos iyo kulamo gaar gaar ah uga qaybgala Shirarka iska soo horjeeda ee looga hadlaya Doorashada 20/21 oo dhaliilo kala duwan la isku tuur-tuurayo.

Like it? Share it!

Leave A Response