Xildhibaano ka socda Galmudug oo Puntland u tagay in ay la wareegaan maxaabiis burcad badeed ah

by admin | Wednesday, Nov 25, 2020 | 351 views

Xildhibaano katirsan Galmudug ayaa u yimid Puntland sidii ay maamulka Puntland ugala wareegi lahaayeen maxaabiis Burcad badeed ah oo kasoo jeeda Galmudug, kuwaas oo sanado badan ku xiran xabsiga dhexe ee Garowe.

Maxaabiistan oo lagu maxkamadeeyay jasiiradda Seychelles ayaa sanadkii 2013 loosoo wareejiyay Puntland si ay xabsiyadooda ugu dhameystaan dalka gudihiisa.

Balse, golaha Wakiilada Puntland ayaa bishii june ee sanadkaan laalay heshiis is-afgarad ah oo oggolaanayay in xabsiyada Puntland lagu hayo maxaabiis Soomaaliyeed oo ay dowlada Seychelles u haystey falal burcad-badeednimo.

Xildhibaanada barlamaanka Galmudug oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada barlamaanka Galmudug, Yoonis Shaare, ayaa lagu wadaa in ay la wareegaan maxaabiistaan.

Puntland iyo Galmudug ayaa horey uga wada hadlnay sidii maxaabistaan loogu celin lahaa degaanadooda.

Like it? Share it!

Leave A Response