Beesha Xawaadle oo eedeyn u jeedisay dowladda federaalka {Akhriso}

by admin | Tuesday, Aug 28, 2018 | 987 views

Kulanka oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiinta, wax-garadka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Xawaadle ayaa lagu eedeeyay dowladda dhexe ee federaalka in ay hareer-martay hannaankii awood –qeybsiga 4.5 kuna tumatay sida ay hadalka u dhigeen xuquuqdii ay beeshu ku laheyd dowladda dhexe.Siyaasiyiintii iyo waxgaradkii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa, gaar ahaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre mas’uul ka yihiin cadaallad darrada lagula kacay beesha, iyadoo dhamaan-ba xilalka laga qaaday mas’uuliyiintii ay ku lahaayeen.

Ugu danbeyntii, kulanka ayaa laga soo jeediyay War-saxaafadeed ka koobnaa toddobo qodobo oo dhignaa sidatan :

1 :-Beeshu waxaa ay ku dulmannahay awood qeybsiga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay xaq u laheyn Wasiiru-dowlle iyo Wasiir ku-xigeenka oo ah mid ku saleysan qaab dhismeedka awood qeybsiga xukuumadda.

2 :- Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku xadgudubtay xubnihii ay beeshu ku laheyd ciidamada, sida taliyihii nabad-sugida, taliye ku-xigeenka Booliiska iyo taliyayaashii kale ee hoggaannada ciidamada oo dhamaan xilalkii ay ka hayeen dowladda laga qaaday laga qaaday.

3:- Sidoo kale maamulka dhexe ee dowladda sida Xog-hayaha joogtada ah iyo Agaasimayaasha oo aan beesha laga siin xuquuqdii ay ku laheyd.

4:- Sidoo kale beesha waxaa ay ku dulmantahay sida lagu yiri war-saxaafadeedka xuquuqdii ay ku laheyd gobolka Banaadir iyo guud ahaan marka la eego qaab-ka dhismeedka waax-yaha maamulka gobolka.

5:- Beesha ayaa sidoo kale dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaallada loo mariyo dadka u xiran eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa, qofkii aan wax danbi ah laheyn-na fursad loo siiyo in u howshisii sii wato.

6 :- Madaxda ugu sareysa dalka ayaa u soo jeedineynaa in cabashada beesha iyo cadaallada darrada ay tirsaneyso beesha sida ugu dhaq-siyaha badan wax looga qabto, lana soo celiyo dhamaan-ba xuquuqihii awood-qeysiga oo ay ku laheyd dowladda dhexe.

7:- Ugu danbeyntii madaxda ugu sareysa dalka ayaa loogu baaqay in haddii aysan u dhaga-nuglaan tabashada beesha ee ah in ay hesho xaqii ay ku laheyd dowladda dhexe in ay qaadan doonaan iyaga oo wada jira go’aan kama danbeys ah.

Eedeynta beesha ayaa imaneysa xili dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu isku shaandheyn ku sameeyay hoggaanka ciidamada, dhinaca kala xabsiga la dhiggay xubno ka tirsanaa waax-yaha dowladda oo ku eedeysan musuq-maasuq.

Like it? Share it!

Leave A Response