Booliiska Soomaaliland oo Maanta xiray Afar Wariye

by admin | Tuesday, Jul 30, 2019 | 641 views

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa waxaa ay ku xireen Afar Wariye oo ka mid ah Wariyeyaasha ugu Caansan deegaannada Soomaaliland,isla markaana ka holwgalla Tv xaruntiisa ugu weyn tahay Magalada Hargeysa.

Wariyeyaasha la xiray ayaa dhamaantood ka tirsan Xarunta telefishanka Eryal ee Magalada hargeysa, hayeeshee ay Wakiilo u yihiin Tv-yo kale oo ku hadla Afka Soomaaliga,kuwaas oo Warbixino ay uga soo diraan Magalada Hargeysa.

Wariyeyaasha la xiray ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Caydaruus Maxamed (Beershiya), Cabdiraxmaan Fantastic, Badri Koosaar iyo Sawir qaade lagu Magacaabo Kamaal,waxaana dhamaantood ay ahaayeen kuwa diyaariyo warbixino la xiriira dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca deegaanada Soomaaliland.

Booliska Soomaaliland weli ma faah faahin sababaha ka dambeeya xariga Maanta ee Wariyeyaasha,waxaana ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan la xiray wariye Maxamed Yuusuf (Bakeyle) sidoo kalena dhawaan xukun lagu riday Wariye Cabdi Maalik Coldoon.

Like it? Share it!

Leave A Response