Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Magalada Muqdisho

by admin | Tuesday, Jul 30, 2019 | 610 views

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday kadib markii Gaari Nooca carada qaada ee isgediska loo yaqaano iyo mooto Bajaaj ay isku dhaceyn inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Bakaaraha ee Magalada Muqdisho.

Ruuxa dhintay ayaa Goobgoogayaal waxaa ay sheegeen in uu ahaa wadaha Mootada, iyada oo Darawalka Gaariga shilka galay uu Goobta ka baxsaday.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa ah meel mashquul badan oo mararka qaar ay dadka Gawarida ku sugaan,waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, hayeeshee aysan ku guuleysan inay qabtaan Darawalka Gaariga shilka galay.

Daqiiqado kadib waxaa sidoo kale Goobta gaaray ehelada Darawalka Mooto Bajaajta ee shilka ku dhintay,waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Ehelada ay meydka u qaadeen xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Shilalka geysanaya khasaaraha kala duwan ayaa maalmahaan  kusoo badanayay Magalada muqdisho,waxaana todobaadyo ka hor Gaari booyad ah oo ku fariin goostay uu ilaa Saddex ruux ku dilay Isgoyska Ceel-Gaabta ee Magalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response