Booliska magaalada Dhagaxbuur oo ka hadlay dilkii dhawaan loogaystay wiilkii Bajaajlaha ahaa

by admin | Tuesday, Aug 8, 2023 | 137 views

Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan maamulka magaalada Dhagaxbuur ayaa faahfaahin ka bixiyay dil labo habeen ka hor loogaystay wiil Bajaajle ahaa oo lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdi Khaliif, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Dhagaxbuur ee dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba Booliska maamulka magaalada Dhagaxbuur oo kulan la yeeshay Shacabka magaalada Dhagaxbuur ayaa ka warbixiyay dhacdadii wiilka lagu dilay, sheegayna in dad gaaraya ilaa 16 qof loosoo qabqabtay dilka wiilkan kuwaas oo lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin dilkan.

Boolisku waxa kale oo uu sheegay in wali ay socoto baadhistu oo dadkan hadda loosoo qabtay arrintan iyo kuwo kale oo lagu daba jiraba ay kasoo dhex bixi doonaan gacan ku dhiiglihii iyo dadkii ka dambeeyey dilka wiilkan Bajaajlaha, sidoo kale Boolisku waxay shacabka magaalada ka codsadeen inay nabadda ka shaqeeyaan oo aan laga hor dhicin waxa kasoo baxa baadhista wali lawado.

Habeenkii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay ayaa dil loogaystay Suldaan Cabdi Khaliif oo ahaa wiil da’ yar oo ku xoogsan jiray Bajaajta, dilkaas oo ka dhacay duleedka magaalada Dhagaxbuur, sida wararku xaqiijiyeen wiilka waxaa xilli habeen ah loo kaxaystay meel ka baxsan magaalada Dhagaxbuur, halkaas oo subaxdii laga helay meydkiisa oo dhinac yaal Bajaajtii uu ku shaqaysanayay.

Like it? Share it!

Leave A Response